Shiinaha oo Mareykanka uga adkaanaya Bariga Dhexe

Washington (Caasimada Online) – Markii uu Ruushku dib u soo galay Bariga Dhexe markii u horreysay tan iyo dagaalkii qaboobaa, isagoo ciidan geeyay Siiriya sanadkii 2015-kii, reer Galbeedka waxaa soo wajahay wer-wer weyn oo ku aadan ciidanka badan ee Moscow. Shan sano kadib, Ruushka waxaa la degay colaadda aan dhamaadka lahayn ee Siiriya, saameyntiisii kale ee Gobolkana waxaa ay noqotay mid aan awood badneyn.

Hadda, oo la joogo July 2020, reer Galbeedku waxay wajahayaan xilli kale oo muhiim ah, waxaana jira sabab kale oo loo wer-wero. New York Times ayaa warisay in Iran iyo Shiinaha ay gaareen heshiis maalgashi iyo amni. Heshiiskaas waxaa ku jira tababar military iyo dhoolatus, hurumarin wadajir ah ee hubka iyo wadaagga xogta sirdoonka iyo sidoo kale isdhaafsiga maalgelin u dhiganta $400 billion muddo 25 sano ah.

Sida uu waqtigu sheegayo, heshiiskan waxa uu ka nixin doonaa qorshaha Mareykanka ee ah in dhaqaale ahaan uu go’doomiyo Iran. Laakiin Beijing ma ahan macmiil saaliidda ka gata Iran, balse waxay dhoofisaa badeecada waxayna dhistaa kaabeyaasha, iyadoon gacmaheeda ku wasaqayn siyaadda iyo amniga isku dhexyaaca ah ee Gobolka.

Shiinuhu waxaa uu hadda u muuqdaa in uu Mareykanka kula tartamayo Bariga Dhexe. Shiinuhu waa dalka labaad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxaa uu dalalka geyn karaa Technology-yadda, heshiisyo maaliyadeed, iyo xirfado injineer si loo dhiso dekedaha iyo wadooyinka waaweyn, waxuuna kuwa kula tartamaya uga guuleysan karaa dalabka Saliida Bariga Dhexe, isagoo adeegsanaya deymihii uu horay u siiyay si saliida loogu soo saaro.

Mareykanka ayaa ku baraarugay khatar istraatiiji ah, waxaana uu adkeynayaa xiriirka ganacsi iyo mid technoloyadeed ee xulifadiisu la leeyihiin Beijing. Farriintuu xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ka jeediyay Isra’iil waxa uu isku haleynayay wadamadda Gacanka.

Nasiib darro, Maraykanku goor dambe ayuu baraarugay. Xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee Shiinuhu la leeyahay wadamadda Gacanka ayaa kordhay sanadihii lasoo dhaafay kumana saabsana kala bedelashadda dhoofinta Shiinaha iyo saliidda Gacanka Khaliijka. Waa xiriir uu Maraykanku u dulqaadan karo. Waa technology-yadda waxa Khaliijka aad ugu dhaweynaya Shiinaha.

Technology-yadda jiilka xiga ee 5G waa arrin muhiim ah. In la geeyo internet 5G ah waa u muhiim wadan kasta oo doonaya in loogu yeero dal horumaray, laakiin cid walba oo geysa waxa ay u adeegsan kartaa in ay basaasto dadka isticmaalaya ama xitaa ay ku qaado weerarro internet-ka ah.

Shiinaha ayaa hoggaaminaya 5G-ga Adduunka, Maraykanka oo xulifadiisa u sheegaya “Shiinaha haka iibsan 5G,”  isagoo aan soo bandhigin bedel la tartami kara Shiinaha, taasina waxay dhigeysaa meel ceebed.

Cabsida Shiinaha

Coronavirus ayaa sii wiiqay Marayanka, sida ay muujisay tijaabo la doonayay in lagu sameeyo shaqaalaha safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay magaaladda Abu Dhabi bishii lasoo dhaafay. Abu Dhabi ayaa Maraykanka u soo bandhigay in si bilaash ah looga baaro shaqaalihiisa Coronavirus, balse Maraykanka ayaa diiday sababtoo ah  saraakiisha Maraykanka ayaa cabsi ka muujiyay in Shiinuhu uu heli doono hido-sidaha shaqaalaha, maadaama shirkadda shaqadda qabaneysa uu iskaashi kala dhexeeyo shirkad kale oo Shiinuhu leeyahay.

Sababta diidmadda Maraykanka waxaa lagu sheegay in Shiinuhu uu aad uga wanaagsanyahay Maraykanka shaqadda xakameynta saf-mareenka. Keliya ma ahan in uu sameeyay qalabka caafimaadka ee looga baahnaa saf-mareenka, balse waxaa uu aad uga shaqeeyay in uu sawirkiisa hagaajiyo si uu u muujiyo in wadanku yaqaano sida loo maareeyo xasaradaha, taasi oo aad uga duwan xirfad xumada Maraykanka.

Sida Professor Karen Young ay ku qortay maqaal ay ku daabacday Al-Monitor, Trump waxaa uu luminayaa hantida Maraykanku uu kula tartami lahaa Shiinaha. Waa weli xilligii la adeegsan lahaa awood military, laakiin Trump waxaa uu Maraykanka dib uga saarayaa Bariga Dhexe.

Heshiiska Iran, hadii uu dhab u jiro, waxaa uu Shiinaha kor ugu qaadayaa heer cusub, kaas oo isugu jira ganacsi, maal-gashi iyo difaac. Heshiisku waxaa uu hamiga Shiinaha u dhaweyn karaa dalka Iran, iyadoo xilligaan dalalka Khaliijka ay Iran u arkaan cadow halis ah.

Iran, dhaqaale ahaan waxay ku sugantahay xaalad xun, taasi oo ka dhigeysa mid aan dooq laheyn, laakiin Shiinaha ku abaal marineysa qiimo dhimis weyn ee qiimaha saliida. Beijing waxay dalalka Khaliijka u rogi kartaa dhanka kale sababtoo ah, waxay aad ugu baahanyihiin in Shiinuhu saliidooda iibsado.

Israa’iil, tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka waxaa uga halis badan awoodda Ruushka ee ku sii faafeysa Siiriya iyo Liibya. Hadii ay noqoto Maraykanka iyo Shiinaha. Israa’iil waxay aadi doontaa Maraykanka. Laakiin xisaabtu waa ay ku adkaan doontaa hadii Shiinuhu uu noqdo awoodda kasoo baxaysa Bariga Dhexe.