Shilkii ugu xumaa abid oo ka dhacay Jigjiga + Khasaaraha

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo Axaddii ka dhacay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka  Itoobiya, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa magaalada caasimada ah ee Jigjiga iyo degmada Shabeeley ee gobolka Faafan,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Shilkan ayaa yimid kaidb markii gaari hoomey ah oo ay la socdeen dad rakaab ah uu jiiray neef ari ah kadibna wadada uu ka baxay, isaga oo kusii dhacay gaari kale oo xamuul ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku dhintay ugu yaraan 12 qof,  halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen waxyeelo halis ah.

Madaxa ciidanka ilaalada amniga waddooyinka ee gobolka Faafan Shaafi Carab Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilkan uu yahay kii ugu xumaa oo ee ka dhaca deegaanka, wuxuuna tilmaamay inay gurmad deg-deg ah u sameeyeen dadka ay dhaawacyada soo gaareen oo loo gudbiyay dhinaca magaalada caasimada ah ee Jigjiga.

Sidoo kale dhacdadaan ayaa waxaa kusoo baxay dadka deegaanka oo si weyn uga argagaxay shilkaasi gaystay khasaaraha aadka u badan.

Inta badan jidadka isku xira deegaanada ismaamulka Soomaalida ayaa waxaa ka dhaca shilal, balse dhacdadan ayaa noqotay tii ugu khasaaraha badneyd ee ka dhacda halkaasi.