Daawo: Somaliland oo xirtay wasiir shaaciyey qorshe sir ah oo la xiriira heshiiska badda

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa caawa xiray wasiirkii hore ee beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, kadib markii uu dhawaan si cad uga horyimid damaca Muuse Biixi uu Itoobiya ku siinayo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka caawa la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.

“Damaca Itoobiya ay badeena ku dooneyso waa qarniyo jirsaday, 136 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay Talyaaniga weydiisanayeen badeena Seylac,” ayuu warkiisa ku bilaabay wasiir Seed.

Wuxuu ka hadlay saxiixii badda ee Muuse Biixi wuxuuna yiri, “Waxaa Madaxweyne Muuse Biixi laga rebay inuu talada badsado oo aqoonyahanada isugu yeero, hadii talada la badiyo waxaa la ogaan lahaa in Itoobiya ay dooneyso bad ay xoog ku qaadaneyso, oo ay aaminsan tahay in dhul iyada ka maqan uu yahay.”

Sidoo kale wasiir Seed wuxuu sheegay inuu helay waraaqado hore oo dhex maray Talyaaniga iyo Boqolkii Itoobiya hal qarni ka hor, kuwaas oo ay ku cadahay in Itoobiya ay aaminsan tahay in Seylac ay iyadu leedahay, balse Talyaanigii aysan u suurta gelin inuu ku wareejiyo.

“Gobolka Awdal ee saldhigga loo saxiixay Itoobiya uu ku yaalo waxaa metela madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxaana muuqata in madaxweynuhu uusan talada waxaba ka siin, wasiirkii gaashaandhigga ee gobolkaas ka soo jeedana waakii is casilay oo banaanka ka istaagay arrintaan,” ayuu yiri Wasiirka caawa la xiray.

Wuxuu sheegay in Abiy Axmed uusan soo hindisin damaca badda ee Itoobiya ay ka leedahay dalkaan, isla markaana uu yahay damac soo jireen ah, “waxay qarni ka hor sheegeen Itoobiyaanku in badda Seylac ay ayagu leeyihiin, Cigaal oo reer Somaliland ahaa iyo odayaashii dhaqanka xiligaas oo dhul Itoobiya naga heysatay raadinayey ayaa loogu jawaabay, kan iska daays Seylac ayaa naga maqan,” ayuu yiri Axmed Muumin Seed.

Ninkaan ayaa dadka Soomalaiyeed u cadeeyey in Itoobiya aysan dooneyn deked ay maalgashato ee badda ay dhaceyso, isagoo dadka uu ka soo jeedo ee degan gobolka Awdal ugu baaqay inay difaacdaan dhulkooda.

Somaliland oo ka carootay hadalka Wasiir Hore Axmed Muumin Seed, ayaa caawa cabsiga dhigtay, waxaana soo xiray ciidamada amniga, horay masuuliyiin badan oo wasiirradii ganacsiga iyo gaashaandhigga ay ku jiraan ayaa isku casilay iyagoo diidan qorshaha Muuse Biixi uu ku saxiixay badda.

Hoos ka daawo wareysiga lagu xiray Axmed Muumin Seed