Shir u dhexeeya A/Madoobe, Deni iyo musharaxiinta oo ka furmay Xalane + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayo doorashooyinka, waxaana haatan ku sugan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka DF ee doorashooyinka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya inuu goor dhow shir gaar ah u furmay midowga musharraxiinta & labadaasi hoggaamiye oo degan xerada Xalane.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale Axmed Madoobe, Siciid Deni & musharraxiinta mucaaradka ayaa ka arrinsan doona shirka wada-tashiga doorashooyinka ee dowladda dhexe & dowlad goboleedyada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog-wareysan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha soo kordhay ee la xiriira marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Si kastaba musharraxiinta mucaaradka ayaa u ololeynaya inay ka qeyb-galaan wada-hadallada dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee looga arrisanayo doorashada.