Xog: Farmaajo oo shuruud ku xiraya shirka XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhamaaday muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diidan shirka Xalane, oo uu ku xiray shuruud ay kala shaqeynayaan qaar ka mid ah madax goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa doonaya in shirkaas uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, isaga oo tegista Xalane u arko mid dhaawaceysa sumcaddiisa, kadib markii ay sidaas dalbadeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia iyo Xildhibaano ku dhow dhow madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu la kulmo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo kaliya islamarkaana uu dalbaday in ay yimaadaan dhamaan madaxda kale.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu madaxda maamulada ee taabacsan ku amray in aysan imaanin shirka ama ay dalbadaan in loo soo wareejiyo Villa Somalia.

“Madaxweynaha waa diidan yahay in uu ka qeybgalo shirka waxa uuna saaxiibadiis kale ku amray in aysan imaanin waxaana muuqato caqabado badan oo ku horgudban qabsoomida shirkaan,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa laga soo xigtay inuu xildhibaano Reer Galmudug ah u sheegay inay dareysiin doonaan beesha caalamka in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kaliya aysan muhiim u aheyn doorashada Soomaaliya, ayna aheyn in mar kasta tooda loo yeelo.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono hase yeeshee waxaa socda cadaadis badan oo ay wakiilada beesha caalamka saarayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamul gobaleedyada kale ee taabacsan.