Muxuu musharrax DAAHIR GEELLE ka yiri qaraxii lala eegtay taliyaha Ilaaladiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah afhayeenka Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa war kasoo saaray qarax xalay lagula beegsaday magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia, hase’ahaatee isaga si gaar ah uga gacan-siinayay amnigiisa.

Daahir Geelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi lagu dilay labo ka mid ah ilaalada G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar oo haatan taliye u ahaa ilaaladiisa, kuwaas oo uu magacyadooda ku kala sheegay Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay dhaawacyo soo gaareen sarkaalka lala beegsaday qaraxa iyo saddex askari oo kale oo la socotay.

Musharrax Geelle ayaa u tacsiyeeyey ehellada askarta ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Qoraalka uu soo saaray musharrax ayuu sidoo kale ku sheegay in taliye Cumar oo door weyn kasii qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda dalka.

“Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah” atyuu yiri Murashax Daahir Maxamuud Geelle.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo geystay khasaare kala duwan.