Faroole oo soo jeediyey afar qobob oo la xiriirta shirka ka dhacaya xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland haddana ah Senator ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal kasoo saaray is-mari-waaga doorashooyinka dalka, wuxuuna soo jeediyay afar qodob oo xal u noqon kara sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo soo saaray qoraalkiisa  ay si aad ah u cambaareeyay tallaabooyinkii uu dhigga ku daatay ee uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna aaminsan yahay masuulkaan inaan xal la heli karin hadii aan garawshiyo laga bixin tabashooyinka daneeyayaasha qaar.

Faroole wuxuu taageeray heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho, wuxuuna soo jeediyay in si wada ogol ah loo dhaqan galiyo, dhanka kale wuxuu ka digay in FARMAAJO uu isku kobo fulinta heshiiskaas.

Senator-ka wuxuu kaloo aaminsan yahay in horay loo socon karo hadii intaas la helo lagana gudbi karo caqabadaha ku hareereysan doorashooyinka dalka.

Afarta qodob oo uu aaminsan yahay madaxweynahii hore Puntland in looga gudbi karo marxaladda lagu sugan yahay wuxuu ku sheegay:

1 – In shirka soo aadan ay kawada qeybgalaan dhamaan daneeyeyaasha; madaxweynaha waqtig ka dhacay, ra’iisul wasaaraha, madaxda maamulada, guddi uu horkacayo afhayeenka Aqalka Sare iyo xubno ka socda Golaha Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha waddanka.

2 – In guddi ka socda Beesha Caalamka uu korjoogteeyo maxsuulka shirka si ay hogaamiyeyaasha uga caawiyaan in ay is-faham buuxa gaaraan

3 – In ammaanka shirka ay la wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

4 – In xalka uu ku jiro iyadda oo la xaqiijiyo metelaada dhamaan dhinacyadda iyo wada-ogolka dhamaan dhinacyadda si looga gudbo is-mari-waaga loona dareero doorasho la isla ogol-yahay xor iyo xalaalna ah

Qoraalka kasoo baxay Faroole ayaa imaaneysa xilli la filayo in maalmaha soo socda uu shir ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan teendhadii Afisyooni oo horay loogu doortay Farmaajo afar sano ka hor, waxeyna taas timid markii laga shakiyay kalsoonida amni ee lagu qabi karo xukuumadda xilka sii heysa.