Maxaa lagu macneeyey hubkii cuslaa ee uu DENI kala soo degay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dad badan ka yaabiyey ciidamadii aadka u hubeysnaa ee shalay uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni la yimid magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeyb galayo shir ku saabsan doorashooyinka dalka.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa aragtiyo ka bixiyey hubkan culus iyo ciidanka badan ee uu Saciid Deni la yimid Muqdisho, ayaga oo ku macneeyey inay tusaale u tahay sida ay madaxda Soomaalida u kala aamin baxeen.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal uu soo saaray Facebook ku yiri “Ciidankaas xooggan ee uu madaxweynaha Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni usoo kaxeystay Xamar, isagoo waliba shir uga qaybgalaya gudaha Xalane, wuxuu tusaale u yahay kalsooni darrada iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta madaxda dalka.”

Waxa uu intaas ku daray “Afar sano kahor xilligii ay madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleeyadu kulmi jireen isla markaana iska qancin jireen hannaanka doorashada, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu aalaaba ku dagi jiray xarunta hey’adda nabadsugidda ee NISA. Madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu isna dagi jiray mid kamid hoteellada Muqdisho. Madaxda dowlad goboleeyada kalena guryo ayay Xamar ka degganaayeen. Jawi kalsooni iyo wada shaqeyn ayaa jiray. Maantase Xamar waxay noqotay halaq mareen aan la isku aamini karin, maadaama uu ka taliyo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo doonaya inuu agaasimo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, sida uu yeelay dowlad goboleeyada uu ka taliyo. Waanse hubaa in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa xoog iyo xoolo lagu heysan karo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna yiri “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababy in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto. Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay. Asaga hadda waxaa ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado  ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo. Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay.”

Sidoo kale, xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay “Marka lagaa aamin baxo, ummaduna kuu aragto in aad cadow ku tahay, qof waliba waxa uu heli karo in uu garabka ku soo qaado si uu isaga kaa ilaaliyo waa Sunno Rabbaani ah”