25 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

C/weli oo ka baxay shir u socday isaga, XASAN, JAWAARI iyo beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War iminka naga soo gaaray xarunta madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan aan caadi aheyn ku dhex maraayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, Ra’iisul wasaare C/Weli, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari iyo Xubno ka kala socda Midowga Yurub, Mareykanka iyo Midowga Afrika.

Wararku waxa ay sheegayaan in ujeedka kulanka uu yahay mid looga arrinsanaayo Khilaafka u dhaxeeya Xasan iyo Cabdi Weli, iyadoona Jawaari iyo Beesha Caalmaka ay kulanka ka yihiin kuwa dhex dhexaad ah, waxa uuna kulankaasi noqonayaa kii Seddexaad oo ay wada fadhiistaan Xasan iyo C/Weli tan iyo markii uu curtay khilaafka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kulanka looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin in Madaxda Dalka ay si wada jir ah uga qeyb galaan Shirka ka dhacaya Denmark ee looga hadli doono arrimaha Somalia,iyadoona Xubno ka socda Beesha Caalamka ay ka codsadeen Gudoonka Baarlamaanka in dib loo dhigo Mooshinka laga wado Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Sidoo kale, kulanka oo wakhti qaatay ayaa waxaa hada la soo warinayaa in leysku fahmi waayey oo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda uu kulanka dibada uga baxay, waxaana la sheegayaa in ay isku hareen Madaxweynaha iyo Xubnaha ka socday Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa waxaa intaa kadib dib uga soo biiray ergayga gaarkaa ee xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo bilowgii kulanka ka maqnaa, waxa ayna xaaladu tahay mid kacsan oo aan ku taagneyn cago fiican.

Waxaa hadda weli socdo kulanka, iyadoona aan la saadaalin karin natiijada kasoo bixi doonto walow R/W C/weli uu yahay mid banaanka ka jooga kulanka, ayada oo aaan la ogeyn sababta uu shirka uga baxay, sida ay wararka sheegayaan..

Dhanka kale, khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaaray halkii ugu sareeysay, waxaana uu saameeyay golaha sharci dajinta dalka oo hada labo garab u kala jabay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News