Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan shariif Sheikh Xasan oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka K/galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan oo ka horjeeday qudbadiisa musharaxnimo ergada maamulka Koonfur galbeed ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan qaban doono hadii la doorto.
“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan”ayuu yiri Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.
“Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan.
Maalinta burrito ah ayaa lagu wadaa in ergada maamulka Seddexda gobolka doortaan madaxweynaha maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

