Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa haysta laba darran mid dooro marka ay timaado dagaal siyaasadeedka uu kula jiro ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Sida xubno isaga ku dhow ay sheegeen, khilaafka ka taagan dhismaha maamulka saddexda gobol ee Baydhaba, ayaa sidoo kale saameyn xooggan ku yeeshay khilaafka ka dhex aloolsan madaxda sare ee dalka.
Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore aqbalay inuu joojiyo shirka Baydhaba, si uu guddoomiye Jawaari u oggolaado in mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu kullanka baarlamanka horgeeyo.
Jawaari, ayaa muddo diidanaa in mooshinka uu horgeeyo baarlamanka isaga oo ka carreysan madaxweynaha oo Shariif Xasan Sheekh Aadan ku gacan siinayey sidii uu madaxweyne uga noqon lahaa maaamulkaas, waxaana Jawaari uu xulufo la sameystay markaas Cabdi Weli.
Si kastaba, Jawaari ayaa iminka usoo jabay Xasan Sheekh, hase yeeshee Shariif Xasan ayaa ka carrooday go’aanka Xasan Sheekh, waxaana uu wacad ku maray inuu ka aar gudan doono madaxweyne Xasan Sheekh.
Shariif Xasan ayaa maanta ka duulay Muqdisho una jiheystay Baydhaba, ayada oo la filayo inuu doorashada maamulka saddexda gobol galo berri, hase yeeshee maadaama dowladda ay diiday shirka, wax aqoonsi ah ma heli doono xittaa haddii la doorto.
Sida xubno ku dhow Shariifka ay u sheegeen Caasmada Online, guddoomiyihii hore ee baarlamanka ayaa wacad ku maray inuu codadka 40 xildhibaan oo iminka taageersan Xasan Sheekh usoo wareejin doono dhanka Cabdi Weli, taasi oo is-beddel weyn sameyn doonto.
Madaxweyne Xasan ayaa u muuqda iminka nin ay haysato “laba darran mid dooro”.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

