27.9 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Xog: Faarax C/qaadir oo wada qorsho aan lagu farxin oo R/W CABDI WELI…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in Wasiir Faarax C/qaadir uu faraha kula jiro arrimo la xiriira xoojinta Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli.

Ilo-wareedka ayaa cadeynaaya in Faarax uu bilaabay bixinta lacago la sheegay in maalmo ka hor ay bixisay Dowlada Qatar, taasi oo lagu taakuleynaayo Xildhibaanada wada Mooshinka.

Bixinta lacagahaasi ayaa waxaa Mas’uul ka ah Wasiir Faarax, iyadoona bixitaankeeda ay ka kala dhaceyso Villa Somalia, Hotel Jazeera iyo Villa Baydhaba, halkaasi oo Saldhigyo u ah Xildhibaanada wada Mooshinada looga soo horjeedo R/W C/weli Sheekh.

Sidoo kale, Wasiir Faarax, ayaa waxa uu Xildhibaanada la siiyay dhaqaalaha ku baraarujinaayay inay ka miro dhaliyaan mowqifkooda ku aadan dhicitaanka Xukuumada Somalia, waxa uuna ballamo kala duwan ka qaaday Xildhibaanada qaar oo saaxiibo dhow la ah Xassan.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir ayaa la rumeysan yahay inuu kaalinta koowad ka galay Ololaha looga soo horjeedo Xukuumada Somalia ee Cabdi Weli Sheekh, isagoona ahaa ninkii marka hore uu dartiis khilaafka ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News