Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo beesha caalamka oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhexeeyo dowladda federaalka iyo xubnaha beesha caalamka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa shirkan daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, ahna kusima ra’iisul wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo goobjoog ahaayeen safiirada caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya.

Ujeedka shirakn ayaa ah dardargelinta wada shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka iyo saaxibada caalamiga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

“Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar-gelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saalax oo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale saaxibada caalamiga ah la kulmay la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024.

Sidoo kale wuxuu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibbada caalamiga ah ay  siiyaan Soomaaliya.

Dhankooda safiirada iyo diblumaasiyiinta kale ee ka qayb-galay shirka ayaa ballan qaaday in dhankooda ay xoojin doonaan dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, ayna ka qayb qaadanayaan dhanka taageerada bani’aadanimada iyo horumarada kale ee ka socda dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo ay ugu horreyso dagaalka Al-Shabaab, arrimo bani’aadanimo iyo xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya.