Daawo: Fiqi oo shaaciyey hal arrin oo uu maqaamka Muqdisho u xayiran yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maqaanka magaalada Muqdisho uu u xiyiran yahay dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in wax tallaabo ah aan la qaadi karin ilaa inta laga dhameystirayo dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, kadib markii looga yeeray kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka, isaga iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Wasiirka ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu qeexayo qodobka 9-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, balse hadda dastuurkiiba uu qabyo yahay, wuxuu intaas ku sii daray in dhowr iyo toban sano uu maqaamkii caasimada Muqdisho u xayiran yahay dastuurka qabyada ah.

“Maqaamka gobolka Banaadir markii maanta laga dooday waxaa soo baxday arrin dastuuri ah oo weyn, maqaamkii caasimada wuxuu u xayiran yahay qodobka 9-aad ee dastuurka, 11-sano ayey Muqdisho u xayiran tahay dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Fiqi.

Waaiirka ayaa sii hadlayey ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay maanta ugu dhowdahay inay helaan xuquuqdooda, “Guddiga arrimaha gudaha ee BFS waxaan ku bogaadinayaa inay ka shaqeeyaan arrinta maqaamka Muqdisho, si loo helo shuruuc maqaamkeeda u ogolaaneysa caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu Fiqi ku dhaliilay inay diidan yihiin in laga shaqeeyo dastuurka, si looga gudbo caqabadaha dhanka sharciga ka heysta dowladnimada Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waaweyn ee Muqdisho ka soo jeeda waxay mar walba sheegaan inay u doodayaan xuquuqda dadkaan, hadana markii la dhaho arrintii waa laga shaqeynaa oo dastuurkii waa la dhameystirayaa waxay soo saarayaa warar  carqaladeyn u eg, raggaas waxaan leeyahay is ceshada inta shacabka Muqdisho aysan idinku soo bixin oo aysan idin dhihin naga wareega,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay in dastuurkaan uu xaq-siinayo qoys iyo qabiil kasta, “waxaan rajeynayaa in shaqada ka socota dastuurka deg deg loo soo gabagabeeyo, waxayna shaqadaasi ku xawilan tahay oo dhameystirkeeda aan ka sugeynaa baarlamaanka,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Hoos ka daawo