Shir uu albaabada u xiran yahay oo Muqdisho uga socdo W/arrimaha Gudaha iyo Maamul Goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow aan ka helnay Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa sheegaya in hadda uu shir albaabada u xiran yahay u socdo Wasaarada iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaasi oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa waxaa shir gudoominaayo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, waxaana lasoo warinayaa in shirkaasi looga hadlaayo qaabka ay kuwada shaqeyn lahaayen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Shirka ayaa waxaa banaan joog ka ah bahda saxaafada waxaana la tilmaamayaa in shirkaasi gabagabadiisa laga soo saari doono qodobada ay isla meel-dhigaan labada dhinac.

Shirkaani ayaa la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka DF Somalia kala dhexeeya Maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna daba socdaa shirar maalmihii ugu danbeeyay ka dhacaayay Magaalada Muqdisho oo ay qeyb ka ahaayen Maamulada.

Lama oga natiijada kasoo bixi karto shirkaani waxaana la filayaa in laga soo saaro hal mowqif oo wada mideynkara Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com