G/Hiiraan oo 5 Qodob kasoo saaray Gudigii Odowaa uu magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu si weyn kaga horyimid gudiga farsamada ee Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa dhankooda sheegay ineysan la dhacsaneyn gudiga Farsamada ee uu soo magacaabay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso Qoraalka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan:-

Salaan iyo Qadarin Dabadeed

Waxaan halkaan ku soo gudbinayaa go’aankeyga ku aadan Guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ee uu shalay ku dhawaaqay wasiirka Arimaha Gudaha iyo fadaraalka X.F.S.

Go’aanka oo ka kooban Qodobada soo socda:-

1- Sida uu ku xusay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo fadaraalka warqadda uu ku magacaabay Guddiga Farsamada oo ah in uu kala tashaday Saxiixayaasha oo aan ka mid ahay guddoomiye ahaan in aysan jirin wax wadatashi ah uu igala sameeyay Wasiirku waxbana aanan ka ogeyn.

  1. Marka la eego Tirada Guddiga farsamada ee uu Wasiirku magacaabay ee ah 14 xubnood waxey khilaafsantahay tiradii hore laysugu ogaa ee ahayd 31 ka xubnood sidaa darteed maaha mid ay dadka labada gobol raali ka yihiin anaguna masuuliyiin ahaan raali kama ahin.
  2. Marka laga eego dhanka Awoodqeybsiga Beelaha oo ah hab lawada garanayo lana ogyahay sida ay wax ku qeybsadaan Beelaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe qeybta Wasiirku wax ku saleeyay waa mid aan cadaalad ku salaysneyn abuureysana Caqabad dib u dhig u keenaysa maamulka loo sameynayo goboladaas isla markaana shaki galineysa kalsoonida Bulshada labada gobol ay ku qabi lahaayeen Wasaaradda .
  3. Bulshada labada gobol ee ah kuwo aad isugu dhaw feker ahaan waxay arintani ka dhex abuuri kartaa kala fogaansho sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay ka laabtaan Go’aankaan lana siiyo Bulshada labada gobol xoriyad ay wax ku qeybsadaan kuna dhistaan wax ay heshiis ku yihiin.
  4. Marka la eego qodobada kor ku xusan waxaan la socodsiinayaa Bulshada Reer Hiiraan in aysan ahayn sida ay wax u socdaan mid aan wax kala socdo tashina aanan ku lahayn isla markaana aan kala mid ahay fikir ahaan iyo go’ahaanba Bulshada Reer Hiiraan.

Ugu danbeyn waxaan u soo jeedinayaa Bulshada labada gobol in ay si taxadir leh ay ula tacaalaan Arimaha noocaan ooo kale ah kana fogaadaan wax kasta oo u muuqan kara laablakac iyo kala fogaan ku keeni kara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in ay soo farageliyaan Xaaladda taagan waxna ka qabtaan

Mahadsanidiin.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
C/fataax Xasan Afrax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com