Qorshaha Odowaa ee 14-ka Xubnood oo laga horyimid

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa soo baxaya cabashooyin badan oo ay muujinayaan qaar kamid ah beelaha daga deegaanada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ay kamuujinayaan qaabka loo qeybsaday gudiga farsamada maamul u sameynta labada gobol.

Qaar kamid ah beelaha Daga labada gobol ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn qorsha wasaarada arimaha gudaha dowlada Soomaaliya ee dhismaha gudiga farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Beelaha qaar oo wada daga labada gobol ayaa sheegay in wax xubin ah aan laga siin gudiga Farsamada maamulka loo sameynayo labada gobol.

Sidoo kale beelaha ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay waddo qorshe ay ku duudsiineyo xaqa ay ku lahaayeen labada gobol maadaama ay deegaan ahaan kasoo jeedaan.

Beesha Jajeele ayaa sheegtay ineysan helin xaqii ay ka sugayeen wasaarada arimaha gudaha, maadaama ay dagaan Hiiraan, islamarkaana aan lagu darin gudiga farsamada maamul u sameynta labada gobol.

Gudiga farsamada ayaa qorshaha marka hore wuxuu ahaa in laga dhigo 31 xubnood, markii dambe waxaa lasoo jeediyay in 36 xubnood laga dhigo, laakiin intaba waa lagu qanci waayay, waxayna dhalisay in beelaha Dhan laga soo xulo min hal qof oo kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com