Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo durbaba 2 arrin ku hanjabay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xusein Jimcaale, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hanaanka uu doonaayo inuu ku maamulo Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in qorshihiisu yahay in laba arrin uu xooga saaro Amaanka Gobolka iyo dib usoo celinta bilicda Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii danbe ka muuqatay burbur iyo rafaad.

Yuusuf Xusein Jimcaale, waxa uu sheegay in qabashada xilka Gudoomiye nimo ay waxbadan ka bedeli doonto Magaalada Muqdisho, inkastoo Mas’uul waliba ee xil loo magacaabo uu sidaa yiraahdo hadana uu dadkiisa dhinac ka raaco.

Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in Ciidamada Militeriga iyo Barakacayaashuba uu banaanka uga saari doono Magaalada Muqdisho si ay Muqdisho uga caaganaato dhibta iyo rafaadka ka muuqda.

Erayga ah in Muqdisho uu ka saari doono Ciidamada Militeriga iyo Barakacayaasha ayaa durbadiiba waxaa dareen ka muujiyay shacabka Magaalada Muqdisho oo sheegay in hadalkaasi uu u muuqdo mid uu ku kala saarayo Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in waxbadan uu ka duwanaan doono maamulka iminka uu xilka kala wareegi doono waxa uuna ku celcelshay in maamulkiisa uu ahaan doono mid shacabka ku dhaqa cadaalad iyo sinaan wallow aan la ogeyn sida uu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com