Xiildhibaan Hore Daahir Ciiro oo xabsiga la dhigay (Sabab)

Garowe (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Puntland ay xabsiga dhigeen Siyaasi Daahir C/qaadir Muuse Ciiro oo ku sugnaa magaalada Garowe.

Daahir Ciiro,ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay  ku sugnaa magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Xalay Saq Dhexe, ayaa ciidamada amaanka waxay Daahir Ciiro ay kala baxeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Garowe, waxaana la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada.

Sababta ka danbaysa Xariga  Daahir Ciiro ayaan la ogayn ,Balse Daahir ciiro ayaa Dhowr jeer ka hadlay dhaqaala yarida ka jirta Puntland , Madaxwayne Gaasna ku eedeeyay Musuq maasuq baahsan iyo ku tumasho sharci.

Daahir C/qaadir Muuse Ciiro ayaa Horay uga Mid ahaa xildhibaanadii Dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya xilligii Madaxwayne shiikh shariif .

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka ee deegaanada Puntland gaar ahaan saraakiisha amaanka ee magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com