Xog muhiim ah oo laga helaayo khilaafka Wasiirka amniga iyo Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xal hordhac ah laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in xal hordhac ah laga gaaray khilaafka labadaasi mas’uul waxa uuna sheegay in khilaafka uu ahaa mid salka ku hayay qaabka loo soo celinkaro bilicda magaalada Muqdisho, balse uusan aheyn arrin kale.

Waxa uu sheegay in dhag-xaanta lasoo dhoobay wadooyinka ee cid waliba ay gurigeeda ku hor jartay ay waxbadan u dhimeyso bilicda magaalada sidaa awgeedna Mungaab uu doonaayay in laga qaado balse wasiirka oo dhanka amaanka wax ka eegaayay uu is hortaagay hayeeshee iminka xal waara laga gaaray arrintaasi.

Waxa uu xusay marba haddii Mas’uulka maamul loo dhiibo ay dadka is baal maraan xagga aragtida sidaa daraadeed ay labada Masuul isku maandhaafeen fikrad kala duwanaasho balse la soo afjaray mad madowgii u dhexeeyay labadaasi Mas’uul.

Afhayeenku waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in mudadii sanadka iyo sagaalka bilood ee Muungaab maamulka Gobolka Banaadir majaraha u hayay in uu isbedel ku sameeyay degmooyinka una Magacaabay dhalinyaro aqoonyahanno ah sidoo kalana uu ka shaqeeyay Horumarinta sugida Amniga iyo bilicda Magaalada.

Haddalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili Muungaab uu cafis ka dalbaday dhamaan madaxda DF Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Wasiirka amniga oo uu kala dhexeeyay khilaaf sababay xil ka qaadistiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com