”DF ayaa dhaqaale culus ku bixisay inaan is casilo ama mooshin leyga keeno” waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan is casilaad uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Mooshinka laga geeyay uu ahaa mid laga soo gudbiyay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha oo is casilaadiisa ka hadlaayay ayaa sheegay in nasiib darro ay u tahay in dhibtiisa laga soo abaabulay Magaalada Muqdisho, balse markii danbe uu go’aan ku qaatay inuu is casilo inta aan xilka laga qaadin.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in mooshinkii 40-ka xildhibaan ka keeneen uu ahaa mid sharci darro ah, islamarkaana kaalin ay ku lahayd dowladda Federaalka oo Muqdisho laga soo abaabulay.

Waxa uu tilmaamay in xubno ka tirsan Dowlada ay gadaal ka riixayeen Mooshinka, halka Maamulka Puntland uu isna ahaa mid u sacaba tumaayay.

Saciid waxa uu carabka ku dhuftay in Mooshinkiisa lagu bixiyay lacago xoogan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Arrinta ugu weyn ee mooshinkaan looga keenay ayuu sheegay inay u weyntahay khilaafkii hore ee u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda Federaalka iyo sidoo kale kaalinta uu isaga ka taagnaa.

“Mooshinkaan Kumanaan dollar ayaa ku baxay, dowladda Federaalka iyo madaxda Puntland ayaa kaalin ka qaatay, Mooshinkaasi waxa uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn, laakiinse aniga waxaan ahay muwaadin dadkiisa jecel, xildhibaanada lacag baa loo qeybiyay, waxaa laga keenay Xamar, loomana kala harin, balse kursiga iyo aniga, anigaa fudud waana ka tagay shaqadii” ayuu yiri Shire.

Geesta kale, Haddalka Saciid ayaa imaanaya xili Xildhibaanada Maamulka ay aad kaga soo horjeeden faragalin hantiyadeed iyo dib u dhig uu ku sameeyay barnaamijo muhiim u ahaa Baarlamaanka, taasi oo sabab u aheyd inuu is casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com