Sawirro Jubbaland oo bilowday tallaabo ay dhaqaale adag ku kasbaneyso xili ay jiraan…

Muqdisho (Caasimada Online)-Dekada magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa si xooli ah uga socdo dhoofinta xoolaha nool nool oo ay ugu badan yihiin lo’da.

Mashruucaani dhoofinta ah ayaa waxaa isla wada Maamulka Jubbaland iyo Ganacsato, waxaana loo ganacsi geeya wadamada carabta iyo kuwa ku xeen-daaban Somalia ee daneeya hilibka lo’da.

Dhoofinta xoolaha ayaa waxaa barbar socda dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah taasi oo inta badan loo qaado dalka Kenya, waxaana kasii ganacsada Dowlada Kenya iyo ganacsato dalkaasi u dhashay.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo sii horeysay sheegay in Dekadda aan laga dhoofin wax ganacsi ah, balse waxaa iminka muuqaneysa in dhoofinta ay dhan waliba ka socoto.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Kismaayo1

Kismaayo2

Kismaayo3

Kismaayo4

Kismaayo5

Kismaayo6

Kismaayo7

Kismaayo8

Kismaayo9

Kismaayo10

Kismaayo11

Kismaayo12

Kismaayo13

Kismaayo14

Kismaayo15