Maamulka Sh/Dhexe oo Beeniyay War Layaableh oo laga Faafiyay (Aqriso)

Jowhar (Caasimada Online)- Maamulka Shabeelaha Dhexe, ayaa beeniyay warar layaab leh oo labadii maalin ee lasoo dhaafay laga hadal hayay deegaanada Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Warka ayaa ahaa in maamulka uu degmada Jowhar geeyay gaadiid Karfano ah oo loogu talo galay dadka ku waaxyeelooba fatahaadaha laga cabsanayo in wabiga Shabeele uu ka geysto degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Masuuliyiinta maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, waxayna sheegeen in dad dacaayad doonaya ay warkaasi been abuurka ah faafiyeen.

Sidoo kale agaasimaha warbaahinta ee maamulka Shabeelaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin ayaa sheegay in waxyaabaha dadka looga dhigay Karfan ay ahaayeen jawaano faaruq ah oo Hayada WFP ku wareejisay maamulka.

Sidoo kale maamulka ayaa sheegay iney talaabo ka qaadayaan dadka wararka been abuurka ah dhex geliyay shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com