27.3 C
Mogadishu
Sunday, May 18, 2025

Shir xasaasi ah oo ay qeyb ka yihiin wakiiladda caalamka oo ka furmay Muqdisho

-

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay shir xasaasi ah oo la xiriira la-dagaalanka fekirka xagjirka ah, kaasi oo ay qeyb ka yihiin danjirayaasha caalamka u jooga dalka.

Kulan howleedka soo bandhigidda iyo wadatashiga dib-u-eegista istaraatiijiyadda qaran ee ka hortagga la-dagaalanka fekirka xagjirka ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda Tubsan.

Waxaa ka soo qeyb-galay shirkaan agaasimaha hay’adda Tubsan, safiirada beesha caalamka, qaar kamid ah hay’addaha Qaramada Midoobay, ATMIS (ex-AMISOM) iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu warbixiyay mas’uuliyiinta ka soo qeyb-gashay soo bandhigidda wada-tashiga istaraatijiyadda qaran ee ka hortagga fikirka xagjirka ee rabshadaha wata.

Danjirayaasha caalamka, qaar kamid ah ururada caalamiga ah oo sidoo kale ka hadlay kulankaan ayaa taageeray habsami u socodka la-dagaalanka argagixisada, dadaalka lagu bixinayo mabadda iyo horumarinta lagu samaynayo deegaanadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Tubsan National Center oo sanadkii tegay kamid noqotay hay’addaha dowladda federaalka, ayaa ah hay’ad muhiim ah oo dowladda u igmatay ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa markii xilka dib loogu doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo Al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.

- Advertisement -

Read more

Local News