Shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Dowladda, Midowga Africa iyo waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka oo ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi ka socda Midowga Afrika iyaga oo Magaalada Muqdisho uga qeybgelaya shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Midowga Afrika oo ay iyaga matalayaan iyo danjirayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wafddigan oo tiradoodu tahay 10 Qof waxaa ay Muqdisho u joogaan shirkaas iyo qiimeyn ay ku sameynayaan howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafddiga ayaa sidoo kale u kuur gelaya hanaanka mas’uuliyadda amniga Soomaaliya Ciidanka AMISOM ugu wareejinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa guulaha laga gaaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo sanadkii 11aad gelaya Bisha March ee soo socota, caqabadaha lagala kulmay,waxyaabaha hadda taagan ee ay tahay in la wajaho, sida amniga Soomaaliya loogu wareejin karo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qodobo kale.

Wafddiga oo uu hoggaaminayay madaxa qorsheynta howlgallada ee Midowga Afrika Jen. Francis Okello,waxaa ay durba kulan horudhac ah la qaateen wakiillo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Cali.

Kulanka hordhaca ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa sidoo kale ka qeybgelay ergeyga Mudowga Afrika ee Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com