Shir xasaasi ah oo u socda Xasan Sheekh, Rooboow iyo Aadan Madoobe + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in haatan shir xasaasi ah oo saddex geesood ah uu u socdo madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka & wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo u xiran dowladda dhexe.

Shirkaan oo lagu soo aadiyey, kahor magacaabista golaha wasiirada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrinta la xiriirta Sheekh Roobow oo la sheegay inuu ka mid noqonayo golaha wasiirada cusub oo la filayo in maanta uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Xamza.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa innoo sheegay in madaxdu ay ka wad-hadlayaan sida ay tahay in loo bari yeelo wadaadkaan oo muddo ku dhow afar sano xirnaa, kadib markii dowladdii hore ee Maxamed Farmaajo ay ka soo qabatay magaalada Baydhabo ee Baay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xeer ilaalinta qaranka ayaa goordhow soo saareyso warqad dambi la’aan ah, sidoo kalena lagu caddeynayo inuu xor yahay wadaadkaasi.

Roobow ayaa wararka waxay ay sheegayaan in loo magacaabayo wasiirka diinta, awqaafta iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, waxaana arrintaan qayb weyn ka qaatay xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaalua, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xoojiyey xogta la xiriirta magacaabista Roobow  wuxuuna yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga,”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed balse isagoo musharrax ah laga soo xiray Baydhabo.