Shirar gaar gaar ahaa oo xalay ka dhacay Garowe

Garowe (Caasimada Online) –  Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Kulamadaasi ayaa looga hadlayay shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe iyo ogaanshaha tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada oo horey loogu soo gudbiyay dowladda Soomaaliya.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana kulankaasi uu qaatay saacado badan.

Kadib waxaa kulamo gaar ahaa yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo kusugan magaalada Garowe, waxaana maanta la filayaa inuu ku biiro madaxweynaha Galmudug.

Shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe ayaa la qorsheynayay inuu furmo Labadii Bishaan May, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana uu saacadaha soo socdo ka furmayaa magaalada Garowe.

Ujeedada Shirarka gaar gaarka ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in lagu gorfeeyay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabaha kasoo baxa shirka maanta dhacaya.

Waxaa ra’iisul wasaaraha dalka loo gudbiyay in laga doonayo dhaqan gelinta shirka maanta iyo waxyaabaha kasoo baxa, maadaama dowladda Soomaaliya marar badan aysan dhaqan gelin waxyaabihii kasoo baxay shirarkii hore.

La soco waxyaabaha kasoo kordha shirka maanta ka furmaya magaalada Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com