Qoyska Caa’isha Ilyaas oo ka hadlay sababtii Somalia ay uga carareen + Video

Wardheer (Caasimada Online) – Qoyska Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo, ayaa degay magaalada Wardheer ee gobolka Soomaalida dalka Itoobiya.

Saynab Cabdiwahaab Aadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baqday in gabdhaheeda kale la marsiiyo waddadii ay martay Caa’isha, sidaas darteedna ay lasoo carartay.

Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd.

Hadalkeeda ayaa ku soo beegmay xilli weli xukuumadda Puntland aysan cadaaladda horkeenin dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isho oo si weyn u gilgilay quluubta bulshada Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo