Faah-faahin ku saabsan carruur iyo dad shacab ah oo lagu laayey Maxaas

Maxaas (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas gaar ahaan Degmada Maxaas

Ugu yaraan 6 ruux oo Afar ka mid ah ay yihiin Carruur ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray Shacabkii Saarnaa gaariga la rasaaseeyay oo ahaa gaari dadweyne.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox hubeysan ayaa dadkaasi wadada u galay ka dibna laayay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay gaareen goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkaan ay ahaayeen dadka Ehel ah oo loo laayay Aanooyin qabaail.

Dadkan la laayay ayaa isugu jiray Haweeyn iyo Caruur yar yar,isla markaana waxaa ay u socdeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ka Da’een Roobab ,waxaana ay ahaayeen dad reer Guuraa ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in dhacdadaan ay salka ku heyso arrimo la xiriira aano Qabiil.

Kooxdii dilka geysatay ayaa wali gacanta lagu soo dhigin, waxaana maamulka gobolka Hiiraan ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com