Shirar gooni gooni ah oo weli ka socda xarunta Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maalintii labaad Madaxtooyada Somalia ka socda kulamo gooni gooni ah oo looga tashanaayo aayaha magaalada Muqdisho iyo doorashada la filaayo inay dhacdo 2016-ka.

Shirarka gaar gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed dhowr jiho ka kala socta.

Shirarkaani socda ayaa waxaa lagu raadinayaa hanaanka magaalada Muqdisho ay ku heli laheyd maqaamkeeda oo buuxa iyo aragtida ku aadan doorasho khilaaf la’aan ah oo dalka ka dhacda.

Madaxweynaha dalka ayaa doonaaya in natiijooyinka uga soo baxa kulamada socda uu ku biiriyo doorashada waxa uuna sidoo kale shaqsiyaadkaasi la wadaagayaa haddii ay jiraan aragtiyo ka duwan kuwa uu isaga qabo oo suuragalin kara doorasho xor ah.

Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar ayaa aragtiyo kala duwan kusoo biiriyay maqaamka magaalada Muqdisho iyo hanaanka doorashada 2016-ka, waxa ayna carab dhabeen qodobo dhowr ah oo looga badbaadi karo dhibaato dhacda xiliga doorashada.

Sidoo kale, Odayaasha qaar ayaa iyaguna soo jeediyay talooyin ka duwan kan ay qabaan Wasiirada iyo Xildhibaanada xitaa Villa Somalia, talooyinkaasi oo lagu saleeyay baahida jirta.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in Madaxweyne Xassan uu sii wado kulamada inta ka harsan doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com