Axmed Madoobe oo bannaanka soo dhigay qodob sabab u ah….

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo qeyb ka ah shirka ka socda magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo arrimaha amaanka ayaa ka hadlay qaabka ay dowlada Somalia ku magacawdo Taliyayaasha iyo Saraakiisha hogaamisa ciidamada dalka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Taliye ama Sargaal ciidan oo lagu soo xulay qaab qabiil ama nin jecleysi uu wax kabedelo amni darida ka taagan dalka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dalka Somalia uu xasilooni heli doono goorta Taliyayaasha iyo ciidamada lagu xulo qaab cadaalad ah oo aan salka ku heyn nin jecleysi.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay walaac gaar ah ka muujineyso qaabka ay dowlada Somalia kusoo xusho Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidan, waxa uuna carab dhabay in ahmiyadu ay tahay in wax laga qabto amniga.

”Wey iska cadahay dhaliisha aan qabo waayo Taliye iyo Sargaal ciidan oo lagu keenay qaab qabiil ama nin jecleysi uusan wax ka qabankarin amniga waayo isaga ayaaba qabiil lagu keenay”

”Aniga waxaan qabaa si mirro dhal uu u yeesho shirka amniga ee ka socda Kismaayo in Taliyayaasha iyo Saraakiisha lagu soo xulo waxqabad iyo karti oo aan lagu keenin qaraabo ahaan”

Axmed Madoobe waxa uu qiray in fashilka ugu badan ee dowlada Somalia ka heysta amniga uu yahay hoos iska taabatka lagu keenaayo Taliyayaasha iyo Saraakiisha.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in dowladu ay qabato shirar khuseeya amniga iyadoo aan wax laga qaban qaabka lagu soo xulaayo Taliyayaasha iyo Saraakiisha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com