XOG: Shirar iska soo horjeeda oo goordhow ka bilowday Beledweyn

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday kulamo iska soo horjeeda oo u dhexeeya Odayaasha beelaha dega Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka ka socda magaalada Jowhar.

Shirarka iska soo horjeeda ayaa waxaa qeyb ka ah Siyaasiyiin ka dhex shaqeyneysa odayaasha kuwaasi oo u janjeera dhanka dowlada, halka sidoo kale ay jiraan Siyaasiyiin la safan odayaasha oo dhaliilsan qaabka uu usocdo shirka Jowhar.

Shirarka socda ayaa waxaa laga filayaa in odayaasha Hiiraan ay go’aan uga gaaran diidmada iyo aqbalaada ku biirista shirka ka socda magaalada Jowhar.

Odayaasha ku shirsan Hiiraan ayaa waxaa loo qabtay in muddo Shan cisho ah ay kusoo gaaran go’aan, waxaana go’aankaasi laga sugayaa Axada fooda nagu soo heysa ee asbuuca soo socda.

Shirarka xoogooda ayaa waxa uu iminka ka socdaa Hooyga Ugaaska Beesha Xawaadle waxa ayna odayaasha maalmaha harsan shirarkooda kusii wadan doona Hooyga Ugaaska.

Odayaasha Hiiraan ayaa fursad u heysta inay raacaan shirka ka socda magaalada Jowhar ama inay gaaran go’aan diidmo ah oo ay cadeeyan waxa uu yahay mowqifkooda.

Ma cadda waxa kasoo bixi doona shirarka odayaasha Hiiraan uga socda magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com