Sawirro: Gaari hub iyo qaraxyo sida oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia, ayaa goordhow duleedka magaalada Muqdisho ku qabtay gaari siday walxaha Qarxa.

Ciidamada oo kaashanaayay xogo la hubo ayaa waxa ay gaarigaasi ku qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa waxaa laga soo dhexsaaray Hubka wax lagu duqeeyo, Qaraxyo iyo agab kale oo loo adeegsado qalqal galinta amaanka.

Hubka iyo Qaraxyada ayaa waxaa looga soo horjeeday amniga ay heystaan shacbiga magaalada Muqdisho, waxaana gacan ka geystay qabashada gaariga iyo hubka dad shacab ah oo ka cabsi qabay in Qaraxyadaasi lagu gumaado eheladooda.

Gaariga lagu qabtay Hubka iyo Qaraxyada ayaa waxaa uu noociisu ahaa Kaarib kaasi oo inta badan ay maleeshiyada adeegsato.

Qarax 1

Qarax 2

Qarax 3

Qarax 4

Qarax 5