Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay iyo 3 qodob oo xasaasi ah oo hor-yaalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana goobjoog ah madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo waa weyn, balse laga yaabo inay qodobo kale oo yaryar kusii hoos jiraan, kuwaas oo kala ah;

1- Amniga guud ee dalka, iyo sidii loogu soo wareejin lahaa ra’iisul wasaaraha
2- Sixitaanka habraaca doorashooyinka, oo musuq-maasuq badan uu hareeyey
3- In waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sharraxaad looga bixiyey furitaanka shirkan oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saarayo amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS,” ayuu lagu yiri qoraalka uu soo saaray Rooble.

Dhnaca kale rajada laga qabo inuu guuleysto shirka maanta furmay ayaa ah mid aad u yar, ayada oo madaxweyne goboleedyada taabacsan Farmaajo la rumeysan yahay inay is hortagi doonaan qorsheyaal dhowr ah oo uu kasoo horjeedo madaxweynihii hore.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wada-tashiga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii