Muxuu Prof. SAMATAR ka yiri dagaalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare oo ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex aloosan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in la isku hayo gacan ku haynta awooda dowladda.

Waxa uu sheegay in khilaafka labada Nin ee is haya uu midkoodna qadarin u hayn qaranimada, islamarkaana ay danahooda siyaasadeed iskaga hor imaadeen iyo ku gacan sareynta dowladnimada.

“Midkood marka uu kii kale ixtiraami waayo ma ixtiraamayo, mid wax u ogol mid kale majiro, waxaa jirra sad-bursi. Markaa waxaa wadankii laga la’yahay wax garnaqa iyo dad garta qaata,” ayuu yiri.

“Waxaa la isku hayaa afartii sanadood wey dhamaadeen, sharci ayaa doorashooyinka loo dhigay oo sidoodii ha loogu dhaqmo, ha loo madax baneeyo dadka codeynaya oo malxiis iyo balaayo yeysan jirin, taasi ayey rabaan Soomaalida. Siyaasiyiintuna waxay rabaan mid malxiis leh oo dheereysanayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu salka ku hayo badankooda dhaqaale iyo xukun jaceyl, taasi oo aan u daneyn dhibaatada haysta umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Saan-saanka socda waxaa moodeysa in siyaasiyiinta intooda badan inay u aaba-yeelayn in dagaal meesha ka dhaco, Ilaahay kama yeele. Waa in dadka reer Muqdisho yidhaahdeen nigama yeeleyno dagaal.”

Prof Samatar ayaa qaba in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeyn karo muddo kooban, haddii si daacadnimo iyo hufnaan leh looga howl-galo, taasi badalkeeda haddey dhacdana ay qaadan karto muddo sii dheereynaysa muranka taagan.

“Doorashada inta hadhay waxaa lagu dhameyn karaa labo bilood oo weliba si xarago leh lagu dhameeyo waa haddii uu caqli iyo iimaan jiro weeyi. Haddii kale waa suurta-gal in lix billood iyo ka badan ay qaadato.”

Hadalkan ayaa imanaya xili uu meel sarre gaaray khilaafka madaxweynihii hore iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, islamarkaana uu taagan yahay walaac laga qabo in khilaafkan uu dib u dhac kale ku keeni karo dhameystirka doorashada haddii aan la xallin.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii