Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha wadatashiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada ee Soomaaliya waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu  furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaban -qaabadii ugu dambeysay ee shirkan ayaa hadda ka socota xarunta Villa Soomaaliya, halkaas oo ay isugu tegayaan madaxda Soomaaliyeed.

Inta badan madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa haatan ku sugan caasimada, sida madaxweynaha HirShabelle, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Galmudug oo goordhow lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda la sugayaa hoggaamiyeyaasha maamullada kale ee Puntland iyo Jubbaland oo kasoo kala kicitimaya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka.

Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dheer xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.