25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Shirka Jowhar oo ceel dheer ku sii ridaya rajadii laga filaayay & arrin aan la fileyn oo soo korortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Seddex meelood laba meel iyo bar Ergada shirka Jowhar ay isaga baxeen shirka.

Khilaaf hor leh ayaa waxa uu ka dhextaagan yahay Ergada shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka, kaasi oo salka ku haya maamuli shirka, waxa ayna wasaaradu Ergada ku cadaadineysaa in loo hogaansamo qaabka ay iyada wax u wado, halka Ergaduna ay ka biyo diidan yihiin.

Qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa muujiyay diidmo ku aadan qaabka ay Wasaarada Arrimaha Gudaha u qeybisay xubnaha oday dhaqameedyada soo xulaya ergada ka qeybgalaysa shirka ka furmay Jowhar.

Ergada Sh/dhexe ee iyaguna shirka banaanka ka jooga ayaa wasaarada arrimaha gudaha ku eedeeyay inay u xaglisay dhinaca gobolka Hiiraan ayna siisay tiro ka badan tan ay siisay beelaha dega gobolka Sh/dhexe.

Khilaafka Ergada iyo wasaarada ayaa sababay in Beelo dhowr ah aysan muddo Afar maalin ah xaadirin shirka kuwaasi oo sheegay in shirka ay uga baxeen cadaalad la’aanta wasaarada arrimaha gudaha.

Wasiir Odawaa ayaa isagu doonaaya in Ergooyinka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ay kala badnaadan, waxa uuna xooga saarayaa in la qanciyo Ergada Hiiraan bacdamaa ay bilowga shirka bilaaben cabashooyin kala duwan.

Dhanka kale, Khilaafkan ayaa haatan u muuqda mid ceel dheer ku sii ridaya rajadii laga qabay in maamul mideysan ay yeeshaan labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News