XOG: Xasan Sheekh oo qaliin lagu sammeynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lasoo dersay xaalad caafimaad darro oo liidata, sida ilo-wareedyo ku dhow ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa inay madaxa kaga taallo buro ku haysa xanuun darran, uuna u baahan yahay qaliin dalka dibeddiisa ah.

Burada madaxweyne ku taal, oo uu isku dayey in muddo ah inuu qaliinkeeda sugo inta uu xilkiisa ka dhamaanayo, oo ka galayo doorashada soo socota, ayaa lagu warramayaa inay sii weynaaneyso, xanuun daranna uu dareemayo.

Xanuunka madaxweynaha ayaa ah mid aad u darran xilliga habeenkii, taasi oo dhalisay in dhib badan uu kala kulmo inuu hurdo, sida xogta ay heshay Caasimada Online ay sheegeyso.

Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa inuu dhowaan u bixi doono dalka Jarmalka, halkaasi oo qaliin lagula sameyn doono.

Xasan Sheekh oo muddoo ka cabsanayey qaliinka, ayaa waxaa lagula taliyey inuu yahay qaliin aan adkeyn, sidaa darteena uu maro, haddii kale ay dhici karto in burada ay ku weynaato, ayna gaarto heer aan wax laga qabin karin.

Xasan ayaa horey sidoo kale waxaa ugu dhacay wadno xanuun keenay in Turkiga loo qaado, oo lagu daweeyo.

Dad badan ayaa dhibaatooyinka caafimaad ee madaxweynaha ee soo noqnoqonaya la xiriirinaya malaayiinta dollar ee hantidii qaranka ahayd ee uu lunsaday muddaddii ii xulka hayey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com