Xog: Qorshaha Damul-Jadiid ee dekedda Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowlada Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen ” Odawaa” uu gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa soo baxaaya warar qarsoodi ah oo socdaalkiisa ku qotoma.

Ilo wareedyo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in socdaalka Odawaa uu ahaa mid u liica dhanka Dekada Hobyo, waxa ayna ilahaasi xaqiijiyeen in Odawaa, Gulleed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada, gaar ahaan Damul-jadiid ay halkaasi kulan uu albaabada u xirnaa kula qaaten maalqabeeno ajaanib ah kuwaasi oo la wareegi doona Dekada Hobyo.

Wasiir Odawaa iyo C/kariin Gulleed ayaa mudada ay kulanka la qaadanayeen maalqabeenada kulanka kusoo bandhigay suuragalnimada in maalqabeenadaasi ay Dowlada u saxiixeen inta ay awoodan inay maamushaan Dekada.

Odawaa oo qorshihiisa Hobya ahaa inuu la gorgortamo Maalqabeenada ayaa waxa uuna wali go’aan la gaarin Ajaanibtaasi, waxa uuna garab xoogan ka heystaa Xassan Sheekh Maxamuud oo ahaa mas’uulka howshaani fulinteeda laga sugaayo.

Maalqabeenada ayaa Degmada Hobyo ku sugan muddo shan maalin waxa uuna dib-u-dhacyadoodu ahaa sugida Wafdiga Odawaa, waxaana lagu wadaa in maanta uu dhici doono heshiiska ay Dowladu ku iib geyneyso Dekada Hobyo.

Docda kale, waxaan la ogeyn baahiyaha keenay in Damul-jadiid ay ku xadgudbaan Hantida Qaran xili uu gabagabo maraayo xilkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com