Shirka musharraxiinta oo go’aanno laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey shirkii musharraxiinta ee lixdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha laga wada-hadalay.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa illaa 18 qodob ayaa waxaa inta badan looga hadlay doorashada Soomaaliya 2020 iyo walaaca ay muujinayaan musharraxiinta.

Go’aannada shirka ka soo baxay ayaa waxaa loo kala qaaday 1- go’aanka maamulka doorashooyinka, 2- go’aanka ammaanka doorashooyinka &  3- go’aanno guud.

Sidoo kale waxaa murtiyeedka ka mid ah qodobo si gaar ah loogu dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo musharrax ah.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale ka horyimid guddiyada doorashooyinka ee la dhisay, iyaga oo dalbaday in dhammaan la-kala diro.

Qoraalkan oo saddex bog ka koobnaa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka looga baahayan inay Cabdi Xaashi u deyso xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ee guddiyada doorashooyinka, halka ay dalbadeen in xubnaha ka imaanaya beelaha Banaadiriga ee doorashada loo daayo odayaasha iyo waxgaradkooda.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ugu baaqay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin inuu baneeyo xilkaasi, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.