Shirkad Soomaaliyeed oo MAREYKANKA ka furtay dacwad ka dhan ah AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan looga furay dalka Mareykanka, taasi oo la xiriirta diyaarad ay sanadkan gudaheeda kusoo rideen magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Qareeno madax-banaan oo Mareykan ah oo ay qabsatay diyaarada Fly Africa ayaa AMISOM dacwad uga furay dalka Mareykanka, maadama ay ku doodayaan in si kas ah ay ciidamadaasi usoo rideen diyaarad ay laheyd shirkadu 4-tii bisha May ee sanadkan 2020, taasi oo siday gargaar bini-aadanimo.

Arrinta dacwadan oo lagu soo shaaciyey barnaanijka Bandhiga ee idaacada VOA-da, ayaa waxa lagu sheegay in dacwadaasi loo gudbiyay sidii loola xisaabtami lahaa howl-galka midowga Afrika oo AMISOM ay qeyb ka tahay.

Diyaaradaasi ay soo rideen ciidamada AMISOM ee kusugan Bardaale ayaa waxa ku naf waayey lix ruux, oo qareenada u doodaya shirkadu ay sheegen in magdhowga shaqsiyaadkaasi laga rabo AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna dhinacooga ku doodaya inaysan diyaaradaasi usoo ridin si kam ah, balse ay ka cabsi qabeen in lagu bartilmaameedsado, maadama ay ka timid dhinac aan looga baran diyaaradaha, wallow ay arrintaasi ganafka ku dhufteen mas’uuliyiinta shirkadu.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen VOA-da, dhamaan xogta diyaaradaasi lasoo riday ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya, oo iyadu ilaa hadda ka aamusan soo saarista warbixin ku qotomta sida uu shilkaasi u dhacay.

Sidoo kale waxaa barnaamijka Bandhigu uu su’aal geliyay sababta shan bil ka badan aan loo soo bandhigin warbixinta diyaaradaasi burburtay oo dad xogogaal ahi ay xaqiijiyen in baaristeeda ay soo afmeermatay.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliya oo isaguna lagu wareystay barnaamijkaasi ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay soo afmeertay xogta burburka diyaaradaasi, isagoona xusay in tallo bixin ay galiyeen.

Inkasta oo aysan si dhab ah u cadeyn nooca tallo bixin ee wasiir Oomaar uu sheegay inay galiyeen baarista burburka diyaaradaasi, haddana waxay sii xoojinaysa dooda qareenada dacwada ka gudbiyay AMISOM.

Wuxuu xusay wasiirku in baaritaankooda loo ogol yahay inay haysan karaan muddo 10-sanno ah, xili dacwad ka dhan ah dhinaca lagu eedeynayo burburka diyaaradaasi laga furay dalka Mareykanka.

Ciidamada AMISOM ayaa badanaa gudaha Soomaaliya ka sameeya tacadiyo aan lagala xisaabtamin, tana waxay noqon kartaa cawaaqib culus oo ka dhalatay falalka aan la mahdin ee ay dalka ka fuliyaan, iyaga oo aan sabab cad u haysan.

AMISOM ayaa haddii dacwadan lagaga guuleysto ku qasbanaan doonta inay bixiso lacag badan oo magdhow unoqoneysa shaqsiyaadkii ku naf waayey diyaaradaasi iyo weliba shirkadii ay kaga burburtay diyaaradeedu, iyada oo suurtagal tahay in loo maxkamadeeyo askartii ka dambeysna.

Hoos ka dhageyso warbixinta