Sawirro: Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar iyo DF oo ku adkeysaneysa qorshaheeda

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta dibu ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabelle Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed, xildhibaano, wasiiro iyo dadaweyne fara badan.

Intaasi kadib madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa loo galbiyey dhanka xarunta madaxtooyada, halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo wada-tashi ah.

Mr Guudlaawe ayaa ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha HirShabelle ee afarta sano ee soo socota, isagoo maalmihii u dambeeyey taageero ka raadinayey dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in la qabanayo Doorashada Hirshabeelle, iyadoo aan xal loo helin tabashada beesha ugu weyn Gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa in maamaha soo socda la guda-galo soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Socdaalkiisa magaalada Jowhar ayaa sidoo kale ku soo aadaya, xilli uu is-mari waa ka taagan yahay doorashada HirShabelle, kadib markii uu dhowaan madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka horyimid jadwalka doorashada oo ay soo saareen guddiga farsamada ee maamulkaasi.

Sidoo kale madaxda HirShabelle ayaa ku kala aragti duwan arrimaha doorashada, waxaana dhowaan guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed uu shaaciyey in doorashada ay waqtigeeda ku dhaceyso, walow haatan la joogo xilligii loo asteeyey, islamarkaana uu dhammaaday muddo xileedka maamulka hadda jira.

HirShabelle ayaa wajaheyso daruufooyin is-biirsaday, sida amni xumo, dhaqaalaha oo aad u liita, fatahaado, khilaafaad dhanka maamulka ah iyo dhabaatooyin kale oo lugaha qatay horumarka maamulkaasi oo ah kan ugu yar dowlad goboleedyada ka jira dalka.