Warbixin shaacisay xaalada dhaqaale ee ay ku sugan yihiin xarakada Al-Shabaab

New York (Caasimada Online) – Warbixin la filayo inay kasoo baxdo Golaha Ammaanka ee QM, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku sugan tahay xalaad dhaqaale oo aad u wanaagsan.

“Al-Shabaab waxay ku sugan tahay xaalad dhaqaale oo aad u xooggan, waxayna soo xareyneysa dakhli badan oo xitaa miisaanaaiyadeeda ay wax kasoo haraan, kuwaasi oo ay ku maal-gashtaan hantida ma guurtada ah iyo gacansiyada ku yaalla Muqdisho,” ayaa lagu yiri warbixintan ay u gudbiyeen khubarada QM ee Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu sheegay kharaashaadkii Al-Shabaab ee sanadkii tegay waxa uu gaarayey 21 milyan oo dollar, oo 25% lagu bixiyey qeybta sirdoonka kooxdaas ee loo yaqaan Amniyaat.

Lacagtan badankeed ayaa kasoo xaroota canshuur baad ah oo laga qaado ganacsatada. Mid ka mid ah ganacsatada ayaa baarayaasha QM u sheegay inay maxkamad Al-Shabaab u yeertay kuna amartay inuu bixiyo 100,000 oo dollar oo Zako ah, kadib qiimeyn la sheegay in lagu sameeyey ganacsigiisa ka hor inta uusan iman.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah jidgooyinka badan ee Al-Shabaab ay sanadkii kaligeed soo xareyso lacag u dhaxeysay 1.8 illaa 2.4 oo dollar.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in dekedda Kismaayo oo kaliya, ganacsatada lagu qasbo in midkiiba uu bil kasta bixiyo cel-celis ahaa 300 illaa 600 oo dollar, taasi oo sanadkii Al-Shabaab u xareysa 6 milyan oo dollar.

Ganacsatada waxay ka baqayaan inay diidaan dalabka Al-Shabaab ayaga oo ka cabsanaya in la dilo, sida uu sheegay Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, haatanna madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiraal.

“Ciidamada Soomaaliya ayaa mararka qaar weerara jidgooyooyinka Al-Shabaab, si ay u joojiyaan dakhliga kasoo gala,” ayuu yiri.

 “Al-Shabaab aad ayey ugu wanaagsan tahay marka ay noqoto lacagaha ay ka ururiyaan ganacsiyada iyo dalka oo dhan.”

“Waxaan ognahay in haystaan lacag dheeri ah oo kasoo kala harta, waxaana rumeysannahay inay qaar ka mid ah u diraan Al-Qacida,” ayuu yiri.