Ankara (Caasimada Online) – Shirkadda Turkiga ee samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ayaa la aas-aasay sannadkii 1986, waxaana isla sannadkaasi ay ku bilowday soo saarista qayb ka mid ah mashiinnada gaadiidka. Sannadkii 2000 ayey bilowday nidaamka gaadiidka iswada.
Sannadkii 2004 ayaa shirkaddu tijaabisay duulimaad diyaarad iswada oo ku shaqaynaysa nidaamyada software-ka elektarooniga ah ee maxalliga ah. Sannadkii 2006 ayay samaysay horumarinta iyo soo saarista Bayraktar yar oo iswada karta kaligeed.
Sannadkii 2009 ayay samaysay shirkaddu duulimaadkii ugu horreeya ee si buuxda u madaxbannaan ee ku shaqaynaya nidaamka iswada. Sannadkii 2014 ayaa Bayraktar TB2 u sameysay tijaabada duulimaadka iswada ee ugu horreeyay.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay soo saartay ayaa waxaa ugu caansan diyaaradda ku caan baxday dagaalka ee Bayraktar TB2, oo ay adeegsadaan ciidamada difaaca Turkiga.
Dakhliga shirkadda ayaa 90% ka yimaada iibgeynta dibadda, sida laga soo xigtay mareegtooda. Sannadkii 2023 iibgeynta dibadda ayaa gaartay ilaa 35 dal, waxaana dakhliga ka soo xarooday lagu qiyaasay $1.8 bilyan oo doollar.
Baykar ayaa ku jirta tobanka shirkadood ee ugu iibgeynta badan dibadda dhammaan shirkadaha dalkaasi, sida laga soo xigtay xarunta ammaanka ee New American Security. Turkigu wuxuu soo saaraa 65% gaadiidka aan duuliyaha lahayn, iyadoo Baykar ay matalayso 60% qaybteeda Turkiga. Shirkaddu waxay u dhoofisaa in ka badan 90% wax-soo-saarkeeda ilaa 35 dal.
Diyaaradahan drones-ka ma u caawiyeen Soomaaliya?
Sida ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, diyaaradda Akinci ee ah nooca aan duuliyaha lahayn ee ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada ee ay soo saarto shirkadda Baykar ayaa ka mid ah hub ay heshay Soomaaliya.
Akinci ayaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro iyo ilaalin.
Ma aha diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliye lahayn ee ay Soomaaliya hesho. Horay ciidamada Soomaaliya u haysteen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee caanka ah ee Turkiga Bayraktar TB2, sida ay baahisay SONNA.
Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ka faallooda arrimaha amniga, ayaa BBC u sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay labo faa’iido u sameeyaan dalalka yaryar ee dagaalladu ka socdaan sida Soomaaliya oo kale.
”Waxay aad uga shaqeyn karaan wardoonka iyo ogaanshaha halka uu cadowgu joogo, ilaalinta dhibaatooyinka dabiiciga ah waa looga qaybqaataa, laakiin waxay faa’iido weyn siiyaa meelaha ay dagaalladu ka jiraan oo ay u keenaan warbixin ay soo aruuriyaan, halka uu cadowgu ku sugan yahay. Soomaaliya oo kale runtii wax weyn ayay ka qaban lahayd, haddii ay kula dagaalanto Al-Shabaab.”
Balse falanqeeyaha arrimaha amniga ayaa sheegay inay u muuqato in Soomaaliya aysan weli sidii la filayay uga faa’iideysan hubkaas.
”Weli waxaad mooddaa dowladda Soomaaliya inaysan u diyaarsanayn ka faa’iideysiga qalabka hawada ee ay siiyaan Turkiga—ama ha noqoto diyaaradihii maalmo hore la siiyay ama kuwa aan duuliyaha lahayn ee yimid. Waxaad mooddaa inaysan fursadaas ka faa’iideysan, ayuu yiri Kaboole.
Haddii dowladda ay la timaaddo istaraatiijiyad isticmaalka iyo caawinaada diyaaradaha Turkigu ay leeyihiin, waxaa laga adkaan lahaa Al-Shabaab oo mar hore la soo gabagabeeyn lahaa, faa’iidana waxay u ahaan lahayd dagaalka reer Hiiraan kula jiraan Al-Shabaab.”
Isha: BBC