26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Shirkadda UK ee hubka, BAE oo qaaday taallaabo si weyn u saameyneysa Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) — Shirkadda hubka soo saarta ee Britain ee BAE Systems ayaa joojisay taageeradii ay siin jirtay nooc diyaarad ganacsi ah, tallaabadaas oo dhulka dhigtay diyaarado gargaar bini’aadannimo gayn jiray Soomaaliya iyo dalal kale.

Go’aankan ayaa hakiyay shixnado cunto oo muhiim ah oo loogu talagalay malaayiin qof oo wajahaya gaajo, dalal ay ka mid yihiin Spomaaliya, South Sudan, iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo (DRC).

Tallaabadan, oo shaaciyey wargayska The Guardian, waxay si degdeg ah u burisay qandaraas lala galay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) oo gargaar loogu daabuli lahaa 12 goobood oo Soomaaliya ku yaalla. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo dalka ku nool ayaa wajahaya heerar gaajo ah oo halis ah.

Go’aankan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo BAE Systems ay ku dhawaaqday faa’iido rikoor ah oo gaaraysa £3.015 bilyan ($3.7 bilyan) sannadkii 2024, taasoo ay horseeday kororka ku yimid kharashka difaaca caalamka.

Diyaaradda uu khilaafku ku salaysan yahay waa BAE Advanced Turbo-Prop (ATP). Xamuulkeeda oo ah 8.2 tan iyo awoodda ay u leedahay inay isticmaasho dhabbooyinka diyaaradaha ee gaagaaban ayaa ka dhigay mid ku habboon gaarsiinta gargaarka ee goobaha fogfog.

Qodobka ugu weyn ee la isku hayo waa go’aanka BAE Systems ay ku celisay “shatiga nooca” (type certificate) ee diyaaraddan, arrintaas oo meesha ka saaraysa u-qallankeeda duulimaadka (airworthiness). Shirkaddii ugu dambaysay ee la ogaa inay isticmaasho, EnComm Aviation, ayaa 12 ka mid ah diyaaradahan u adeegsan jirtay qandaraasyo bini’aadannimo, sida uu qoray The Guardian.

‘Sahaydii muhiimka ahayd oo la jaray’

Shirkadda EnComm Aviation waxay sheegtay in go’aanku uu dhulka dhigay 12-keedii diyaaradood uuna jaray gargaar muhiim ahaa.

“Gargaarka ay diyaaradaheena gaarsiiyeen wuxuu halbowle u ahaa dadka South Sudan, Soomaaliya, iyo DRC,” ayuu yiri Jackton Obuola, agaasimaha EnComm Aviation, isagoo la hadlayay The Guardian.

“Go’aanka BAE ay si kedis ah ugala noqotay taageerada dhammaan diyaaradaheena ayaa dhulka dhigay duulimaadyadii, wuxuuna jaray sahaydii muhiimka ahayd ee loogu talagalay kuwa ugu baahida badan,” ayuu raaciyay Obuola.

Intii u dhaxaysay March 2023 iyo September 2025, diyaaradaha EnComm waxay gaarsiiyeen 18,677 tan oo gargaar ah. WFP waxay ku qiyaastaa in hal tan oo cunto ah ay dabooli karto baahida maalinlaha ah ee qiyaastii 1,660 qof.

EnComm ayaa hadda dalbanaysa £187 milyan oo magdhow ah, sida ku cad warqad dacwad-horudhac ah oo ku taariikhaysan October 13, 2025, taasoo uu daabacay The Guardian.

Warqadda ayaa lagu eedeeyay in go’aanka BAE la qaatay “iyada oo aan wax la-tashi ah lala samayn ama si rasmi ah loogu wargelin EnComm.” Waxay ku andacoonaysaa in shirkadda fadhigeedu yahay Nairobi la rumeysiiyay in BAE ay taageeri doonto diyaaradda ugu yaraan shan sano oo kale.

Afhayeen u hadlay BAE Systems wuxuu yiri: “Kama hadalno dacwadaha suurtagalka ah.”

Warqado ka soo baxay BAE, oo ku taariikhaysan May 27, 2025, ayaa la sheegay inay ku caddeeyeen damacooda ah inay shatiga ku celiyaan marka la gaaro December 2026. Warqaddu waxay ku tilmaantay go’aanka mid “rasmi ah oo aan laga noqon karin.”

Heerar gaajo oo ‘halis ah’

Diyaaradaha la joojiyay waxay cawaaqib xun ku leeyihiin gobollo qarka u saaran macluul.

Qandaraaskii WFP ee Soomaaliya ee la joojiyay wuxuu qorshaysnaa inuu socdo September 2025 ilaa August 2026. Wuxuu ku saabsanaa in cunto loo daabulo gobollo ay 4.6 milyan oo qof wajahayaan cunto yari ba’an.

Waxaa sidoo kale jira 1.8 milyan oo carruur ah oo la ildaran nafaqo-darro ba’an, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA).

Gudaha South Sudan, oo EnComm ay u duuli jirtay 12 goobood, xaaladdu sidoo kale waa mid adag. Qaramada Midoobay waxay ka digaysaa in 7.7 milyan oo qof—in ka badan kala bar dadweynaha—ay wajahayaan cunto yari ba’an. WFP waxay warinaysaa in 3.2 milyan oo carruur iyo haween ah oo dalkaas ku nool ay halis ugu jiraan nafaqo-darro.

Saamayntu waxay sidoo kale gaartay DRC, oo ay Qaramada Midoobay bishii March 2025 ku tilmaantay inay wajahayso “dhibaatadii gaajo ee ugu xumayd abid.” Tiro rikoor ah oo gaaraysa 27.7 milyan oo qof ayaa la kulmaya gaajo ba’an, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

EnComm waxay sheegtay inay sidoo kale ku qasbanaatay inay joojiso heshiis 10 sano ah oo ay duulimaadyo kaga hawlgeli lahayd 11 goobood oo DRC ah, oo ay ku jirto Goma oo ku taal gobollada bari ee ay colaaduhu saameeyeen.

EnComm Aviation ayaa tan iyo markaas xirtay hawlaheedii Kenya. Falanqeeyayaashu waxay filayaan in faa’iidada BAE Systems ay sii kordhi doonto iyadoo uu jiro kharashka militari ee caalamka oo sii kordhaya.

- Advertisement -

Read more

Local News