Shirkadihii diyaaraddaha ee ku xadgudbay amarkii DF Somalia oo u sabab u ahaa dhimashada 17 qof (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Somalia oo gebi ahaanba joojisay 18-kii bishii Maarso duulimaadyada sababo la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus ayaa waxaa ka dhashay xadgudubyo ay sameeyeen shirkaddaha duulimaadyada Bas Air iyo Silver Stones oo laga leeyahay dalka Kenya, kuwaasi oo si qarsoodi ah gudaha dalka usoo gelin jiray maandooriyaha khaadka.

Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA ayaa kafishay in dowladda federaalka oo shirkaddahaasi kala noqotay ruqsada ay dib ugu laabatay go’aankaasi, iyadoo loogu badalay ganaax lacageed oo u dhigma xadgudubka ay geysteen.

Jabinta amarada dowladda ee shirkaddahaasi ku dhaqaaqeen ayaa sidoo kale xadgudub iyo kafishaadba ku aheyd awooda hirgelinta dowladda Somalia oo aad u liidata, diyaaraddahaasi oo si isdaba joog ah u jabinayay amarada DF iyagoo afar jeer si sharci daro ah khaad usoo geliyeen Somalia.

Duulimaadyada la diiwaan geliyay ee shirkaddahaasi sameeyeen ayaa mid ka mid ah wuxuu dhacay 19-kii June, markii diyaarad ay ka kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, saraakiisha garoonkana u sheegtay inay qaadayso kartoomo daawooyin ah oo korka ugu qoran yihiin COVID19 oo ay geyneyso magaalada Dhoobleey gobolka Jubbada Hoose, hase yeeshee markii ay ka degtay kadibna kasoo qaatay kartoomo khaad ah oo ay keentay magaalada Baraawe, hase yeeshee xiligaasi waxay u kireysneyd diyaaraddaasi shirkadda Maandeeq oo ah mid laga leeyahay Somalia, waxaana khaadkaasi loo kala gudbiyay magaalooyinka Muqdisho iyo qaar kale.

Diyaaraddahaasi ayaa mudo maalmo ah lagu xanibay garoonka diyaaraddaha Muqdisho balse markii danbe lasii daayay markii DF ay wax ka badashay amarkii ruqsad kala laabashada, una badashay ganaax lacageed oo dhan $3.000 midkiiba.

Dhibaatooyinka ka dhashay xadgudubyada ay sameeyeen shirkaddaha diyaaraddaha ayaa waxaa ka mid ah in bishii May ciidan galbinayay shixnad khaad oo si dhuumaaleysi ah lagu geeyay Jowhar in lagu qarxiyay degaanka Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askartii galbineysay khaadkaasi ee ku dhimatay ayaa tiradooda aheyd sagaal, waxaana labo maalin kadib deegaanka Gololeey ka dhacay dil wadareedkii lagu laayay sideed dhalinyaro caafimaadka ka shaqeyneysay, kuwaasi oo dilkooda uu la xiriiray askartii Khaadka galbineysay ee la qarxiyay.

Wasiirka duulasta hawada Maxamed Cumar Oomaar ayaa sheegay in digniinta kama dambeysta ah ee hadda la siiyey shirkaddahaasi ayaa saameyn doonta dhamaan diyaaradahooda ka howlgala Somalia, iyagoo aan dib danbe u heli doonin ruqsada hadii xadgudub ay mar kale ku kacaan.

Inkastoo dowladda federaalka ay bishii June 2018-kii dib ula wareegtay maamulka hawada, taasoo u sahleysa in ay la socoto dhaqdhaqaaqa diyaaradaha soo galaya hawada Somalia iyo kuwa kasii baxaya, haddana ma lahan awood ay ku fuliso amaradeeda.