Xog: Dhaqaatiirta Digfeer oo sheegay in dhaawac culus uu gaaray Seynab Xaabsey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli aysan soo hagaagin xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda Seynab Xaabseey, oo dhawaan jirdil loo gaystay.

Dhaqaatiirta aan la hadalnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha lagu garaacay qori baadkiis, sidoo kalane lagu istaagay waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Mas’uuliyiinta aan la hadalnay ee Isbitaalka Digfeer iyo kuwa ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiye Seynab Xaabseey dhaawaca soo gaaray uu yahay Jabniin dhanka feeraha ah iyo dhiigga oo gudaha ugu hooray, waana sababta keentay in ilaa hadda Isbitaalka lagu sii haayo.

“Hadda waxay ku jirtaa soo kabasho, balse waxaa soo gaaray dhaawac jabniin ah oo dhanka feeraha ah iyo dhiigga oo gudaha ugu hooray,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan ciidanka ilaalada xarunta gobalka Banaadir ayaa guddoomiye Seynab Xaabseey jirdil u geestay 24-kii bishan, oo ku beegneyd sanad kadib markii qaraxii ay ku dhaawacantay ee gobalka Banaadir, waxaana maalmahaan aad loo hadal hayay xaaladeeda caafimaad.

Jir-dilka loo geystay guddoomiyaha ayaa yimid, kadib markii ay isku dhacen ilaaladeeda iyo ciidamada xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Seynab Xaabsey waa gabar howlkar ah oo dalkeeda wax wanaagsan u qabatay, islamarkaana taas darteed loo halis geliyey nafteeda sanad kahor. Waa in cadaaladda ma mariyaa ciidanka jirdilka u gaysta.