Maxkamada G/Banaadir oo xukun aday ku riday Gurbiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay kiiska Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi, kadib markii loo soo jeediyey edeymo culus oo isaga ka dhan ah.

Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha lagu helay qodobka 328 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu riday.

Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad saaka la horgeeyey maxkamadda oo ku dhawaaqday go’aankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in xabsiga dhexe loo gudbiyey Gurbiye, kadib xukunka saaka lagu riday.

Dhanka kale qaar ka mid ah ururada u dooda saxaafadda ayaa ka soo horjeestay go’aanka maxkamadda, iyaga oo shaaciyey inuu yahay mid aan la aqbali karin.

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxey si kulul u cambaareeyeen xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdicasiis Gurbiye tafaftiraha Goobjoog.

“Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdicasiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in maanta Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo.” ayaa lagu yiri qar qoraal ah ka soo baxay ururka suxufiyiinta ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano FESOJ.

“FESOJ waxey xukunka Cabdicasiis Gurbiye ka qaadan doontaa Racfaan.”

Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xasaasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Covid-19 uu ka qoray dowladda Somalia.