Shirkado SOOMAALIYA ku tartamaya oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, Oomaar ayaa sheegay in uu jiro tartan u dhaxeeyo shirkadaha Duulimaadyada sameeya ee imanaya Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in ay kasoo degaan shirkado dhowr ah oo kuwo Caalami ah, isla markaana sameeya duulimaadyo kala dalal kala duwan.

Isbadal dhanka qiimaha lagu raaco Diyaaradaha ayuu sheegay Wasiir Oomaar in uu jiro, isaga oo si gaar ah u tilmaamay in marka shirkad soo kororto qiimaha shirkadaha uu hoos u dhaco.

Ka wasaarad waxa uu sheegay in ay kor kala socdaan qiimaha, si ay ugu ilaaliyaan sameynta qiimo sare oo dhibaato ku noqota dadka rakaabka ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa shaaciyay in kaliya isbadalka qiimaha shirkadaha uu yimaado xiliyada safarka, taasina ay la qabaan shirkadaha iyo dalalka kale ee caalamka.

Dhanka ammaanka Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde waxa uu sheegay Wasiirka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar in uu sare u qaadan yahay.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta shirkadaha Duulimaadyada sameeyo ayuu sheegay in ay usoo jeediyeen in la yareeyo askarta ammaanka ee ka howlgasha garoonka, taasina ay muujineyso in mas’uuliyad ballaan la iska saaray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com