“Shirki Nairobi ee ay ka qeyb gashay Somaliland wuxuu ahaa mid lagu bahdilayo”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay shirkii Nairobi ka dhacay malintii Salaasadii ee ay ka qeyb gashay Xukuumada Somaliland.

Waddani ayaa shirkaasi ku sheegay mid hoos loogu dhigay meeqaamkii dowladnimo ee ay laheyd Somaliland, midaasi oo ku tilmaamay inay tahay musiibo weyn oo ku dhacday Dowladdan weli aqoonsiga ka baadi-goobeysa caalamka.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta kula hadleysay magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in ka qeyb-galka shirkaasi ahaa mid lagu dilaalayo qaranimada Somaliland, isla markaana ah wax lagu xumaado in Madaxweyne Biixi uu ogyahay talaabadaasi, una wakiisho Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda.

Marwo Faadumo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in Madaxweyne Biixi u cadeeyo shacabka in uusan raali ka aheyn shirkaasi ay Somaliland ku matalayeen wafdigii uu hogaaminayey Wasiir Faratoon, iyadoona ku baaqday in uu talaabo adag ka qaado Mas’uuliyiintaasi.

Waxay sidoo kale ku eedeysay Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo imika ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda Center for Humantarian Dialogue ee kulankan soo qaban-qabaisay, inuu ka shaqeeyo waxay dilaalnimada Somaliland iyo Somaliya.

Iyadoona ka dhawaajisey inuu wada-shaqayn dhaw la leeyahay madaxda dowladda Somaliya, muddo badanna uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana xustay inuu ka leexiyey dhabihii ay aqoonsiga ku raadinayeen Madaxweynayaashii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin.

Marwo Faadumo Siciid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hadalkii uu Wasiir Faratoon ka sheegay idaacada BBC-da, ee ahaa inay Somaliland hor fadhiisaneyso mas’uul kasta oo Somaliya u soo dirato wada-hadalada Somaliland darajo kasta oo uu yahay.

Ugu dambeyntiina, Marwo Faadumo Siciid ayaa ka dhawaajisey in aanay mar dambe u dul-qaadan doonin arrimahaasi xisbiga Waddani iyo bulshada reer Somaliland, iyadoona soo jeedisay in Wasiir Faratoon hadii uu ka qeyb galayo kulamo noocasi oo kale ah uusan ku matelayn Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com